Home / Cayaaro / Everton oo ka doonaysa Spartak Moscow Alex Kral

Everton oo ka doonaysa Spartak Moscow Alex Kral

Himilo- Kooxda Everton ayaa xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Spartak Moscow Alex Kral.

21 jirkan ayaa ka caawiyay Czech Republic inay ka adkaato England isreebreebka Euro 2020 horraantii bishan, wuxuu Spartak kaga soo biiray Slavia 1-dii Sebtember.

Xiddiga khadka dhexe ayaa lix kulan u saftay Krasno-Belye tan iyo markii uu yimid, oo ay ku jiraan 90-ka daqiiqo ee buuxa ee uu ka horyimid Lokomotiv Moscow isbuuc dhammaadkii halkaasoo kooxdiisu ay 3-0 kaga badisay.

Sida laga soo xigtay ClubCall, Toffees ayaa indha indheeyayaal ay u dirtay  si ay u daawadaan Kral Axaddii, halka labo naadi oo kale oo Premier League ah ay sidoo kale daawanayeen bandhigiisa kulankii Moscow Derby.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Everton ay u dhaqaaqi karto xagaaga soo socda marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Kooxda Marco Silva ayaa carbuunatay booskooda wareegga 8-da ee EFL Cup ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Watford habeenkii talaadada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan