Home / Cayaaro / Everton oo ku dhaw saxiixa Fabian Delph

Everton oo ku dhaw saxiixa Fabian Delph

Himilo -Everton ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fabian Delph oo katirsan Manchester City lacag gaareysa £ 8.5million taasoo ay suura gal tahay inay gaarto  £ 10milyan.

29 jirkan heerka caalami ee xulka England, oo 12 billood ka hartay qandaraaskiisa, ayaa soo idleynaya afar sanno oo uu ku qaatay garoonka Etihad Stadium.

Delph waxaa uu u ciyaaray City keliya 11 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay , saxiixa rikoorka kooxda oo lagu qiimeeyo 62.8 Milyan ginni ayay kooxda ku soo iibsatay khadka dhexe ee Atletico Madrid Rodri horaantii bishaan.

Ciyaaryahankii hore ee Leeds iyo Aston Villa Delph ayaa ku soo bilaabay xulka England ciyaaraha Nations Leagueee ay la qaateen Holland iyo Switzerland bishii June.

Waxa uu ku guuleystay labo horyaal oo Premier League ah oo uu la qaaday City, waxaana uu ku guuleystay ciyaarida 20- kulan oo xiddigaha waaweyn ee England .

Everton ayaa la saxiixatay goolhaye Jonas Lossl oo ka yimid Huddersfield iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Andre Gomes oo ka yimid Barcelona heshiis 22 Milyan ginni.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan