Home / Cayaaro / Everton oo kula tartameysa Arsenal, Liverpool saxiixa Donyell Malen

Everton oo kula tartameysa Arsenal, Liverpool saxiixa Donyell Malen

Himilo- Everton ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay kooxaha Arsenal iyo Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka PSV Eindhoven Donyell Malen.

20 jirka ayaa dhaliyay 11 gool 14 kulan oo uu u saftay PSV xilli ciyaareedkan – oo ay ku jiraan toddobo ka mid ah kulamada uu u saftay kooxda Eredivisie intii lagu jiray billowga xilli ciyaareedkiisa fiican ee 2019-20.

Arsenal ayaa la sheegay inay xiiseyneyso inay dib ula soo saxiixato xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands, kaasoo labo sanno ku qaatay dhalinyarada kooxda Ingariiska intii u dhaxeysay 2015 iyo 2017 ka hor inta uusan u dhaqaaqin PSV.

Si kastaba, sida laga soo xigtay Calciomercato, Everton ayaa sidoo kale baadi goobeysa xiddiga reer Holland iyadoo agaasimaha kooxda Marcel Brands uu go’aansaday inuu la soo wareego weeraryahanka da’da yar.

Kooxda Marco Silva ayaa tartan kala kulmi karta kooxda ay ku xafiiltamaan Merseyside ee Liverpool, iyadoo Reds ay sidoo kale sheegtay inay si dhaw isha ugu hayaan qaab ciyaareedka Malen xilli ciyaareedkan.

Weeraryahankan oo shabaqa soo taabtay kulankiisii ugu horreeyay ee caalami ah markii ay ka horyimaadeen Jarmalka horraantii bishan, wuxuu ku  dhammaaday ololihii 2018-19 isagoo dhaliyay 11 gool tartamada oo dhan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan