Himilo FM – ayaa damaceedu yahay inay 35 milyan oo ginni ku dalbato weeraryahanka Cherries Callum Wilson, sida laga soo xigtay The Sun.
Wilson ayaa dhaliyay 14 gool, waxaana uu cawiyay 10 gool 30 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay kooxda Eddie Howe intii uu socday xilli ciyaareedkii 2018-19.
27 jirkan ayaa lala xiriiriyay Chelsea intii uu furnaa suuqa kala iibsiga bishii Janaayo laakiin Eddie Howe ayaa ku guuleysatay inuu heysto xiddiga reer England.
Sida laga soo xigtay The Sun, Bournemouth ayaa haatan ka horimaneysa xiisaha xagaaga ee Everton iyadoo kooxda Merseyside ay diyaarineyso dalab 35 milyan oo ginni ah oo weeraryahanka lagu doonayo.
Cenk Tosun ayaa keliya seddex gool ka dhaliyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2018-19 halka Dominic Calvert-Lewin uu dhaliyay lix gool .
Warbixinta ayaa sheegaysa in Marco Silva uu raadinayo Wilson si uu weerarka kooxdiisa u xoojiyo laakiin sidoo kale wuxuu doonayaa inuu dhameystiro oo uu mid rasmi ah ka dhigo xiddigaha ammaahda kula jooga ee Kurt Zouma iyo Andre Gomes.