Home / Habka-Nolosha / Evra: “Qof ayaan rabin inaan ku biiro Man United,”

Evra: “Qof ayaan rabin inaan ku biiro Man United,”

Muqdisho – Patrick Evra ayaa sheegay inuu ku dhawaaday dib ugu biirista Man United hayeeshe qof ku sugan kooxda uu kahor istaagay kamid noqoshada ciyaartoyda Old Trafford.

Daafacan ayaa bishii Janaayo iskaga tagay kooxda Juventus isaga oo ku biiray Marseille – waxaase si buuxda loola xiriirinayay dhinaca macalin Jose Mourinho.

Evra, oo 35 jir ah, ayaa United-ka la joogay intii u dhaxeysay 2006-2014 isaga oo kula guuleystay horyaallo iyo koobka Champion League.

Wuxuu wada-hadallo kula jiray macalin Mourinho kadib wuxuu badalay jihadiisa markii uu arkay inuusan suura-galayn gaarista heshiis.

“Waxaan u dhawaa inaan ku laabto Man U,” ayuu yiri Evra. “Waxaan sidoo kale wada-hadalnay macalin Mourinho hayeeshe qof ku sugan kooxda oo aan rabin inaan magac-dhebo ayaa iga hor istaagnaa ku biirista United-ka.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan