Home / Habka-Nolosha / Eysseric oo aan ku faraxsaneyn bandhiga laacibka Balotelli ee kooxda Nice

Eysseric oo aan ku faraxsaneyn bandhiga laacibka Balotelli ee kooxda Nice

Muqdisho – Laacibka qadka dhexe ee kooxda Nice, Valentin Eysseric ayaan ku faraxsaneyn bandhigga uu sameynayo dhiggiisa kala tirsan naadiga ee Mario Balotelli – isaga oo yiri: “Wuxuu u muuqdaa qof aan wax nala rabin.”

Mario Balotelli ayaa maqnaa kulankii ay kooxda barbaraha 2-2 la gashay Rennes isaga oo sidoo kale badal kusoo galay ciyaartii hore ee Saint-Etienne.

Eysseric ayaa ku furtay in Balotelli uusan ahayn sida laga rabo isaga oo rajeeyey in 26-jirkan horay ugu soo ciyaaray naadiyada AC Milan, Inter iyo Manchester City uu u fikiro wax u qabashada kooxda.

‘Waan ka xumahay, daacad ayaanse ka ahay,” ayuu u sheegay BeIN Sports. “Runta ayaan sheegay.”

“Waxaan u malaynayaa inuu muuqdo qof aan rabin inuu wax la qabto naadiga. Waana lama huraan inaan kaalintiisa u adeegsanno ciyaaraha jira.”

Tan iyo markii Balotelli uu ugu yimid Nice qaab xur ah, wuxuu naadiga u dhaliyay 9 gool 13 kulan-ciyaareed oo u saftay.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan