Faa’iidooyinka ay dhirta beeristeedu u leedahay deegaanka

Himilo – Maalmaha wacyigelinta, beerista dhirta waxay sabab u noqotaa in la dareemo saxansaxo udgoon oo caafimaad iyo raaxo leh. Dhirta-beeristeeddu waxay lagama-maarmaan u tahay in la sii wado isu dheelitirka deegaanka, dhammaaan jiritaanada nool waxay si-uun ama siyaabo kale ugu tiirsan yihiin dhirta. Habab tiro badan, ayay dhirtu-tabarteedda, hab-dhismeedkeeda iyo adkeysigeedba waxtar badan ugu samaysa degaanka.
Dhabtii, ku beeridda dhir badan  deegaanka aan ku noollahay aad iyo aad bay muhiim u tahay, maxaa yeelay nolosha oo keliya ma taageerto balse waxay isla markaasna hawada dhulka dushiisa ah ka saarta noocyo kala-duwan oo bakhuurka hawada xumeeya ah.
Maqaalkan ama qoraalkaan, waxaan ku taxaya fa’iidooyinka ay dhirta-beeristu u leedahay degaanka aynu ku noolnahay.
Mid mid ula soco oo kororso aqoontaada ku aadan dhanka dhirta (plants), waxaan umaleynayaa inaad wax badan ka faa’iidayso markaad akhrisato,waxaanaa ka mid ah;
1. Dhirtu waa gabbaad. tusaale, waxay siisaa duur-joogta keli-ahaanshaho iyo amni markay gabaad ka soo raadsadaan keymaha. “Taasi waa tusaale ka mid ah adeegyada ay taageero ahaan u bixiso dhirtu (Shelter).”
2. Dhirtu waxay hawada ka saarta hawo siyaado ah oo ka kooban carbon dioxide iyo wasakho-hawo ah oo ku jira, oo ay ka mid yihiin sulfur dioxide, ozone iyo nitrogen (Air filtration).
3. Dhirta-beeristeedu aad bay muhiim ugu tahay in la hagaajiyo hawada-tayadeedda iyo in la yareeyo wasakhdeedda.
4.Dhirta-beeristeeda ayaa lagu hagaajiya nooca-aragtiyeed ee muuqaalka dhulka (aesthetic),taas o bedaleysa misna horumarinaysa tayada-nololosha ama wax badan ku kordhinaysa noolaha noolashiisa.
5. Dhirta-beeristeeda ayaan ku kordhin karnaa ama ku hormarin karna nolosha-duurka (land recovery).
6. Dhirtu waxay bixisaa hat/dallaalin ama hoos (shadow) ay isticmaalaan noolayaasha oo dhan oo ay ugu ganbadaan qorraxda sababtaas-awgeed ayey meel dhexaad uga dhigta heer-kulka waqtiga kulaylaha ah.
7. Dhirtu waxay yaraysa carra-guurka(soil erosion), maxaa-yeelay xididadeedda ayaa isku-dhejiya ciidda, waxay kale oo ay caawisaa  ama sii hagaajisa ciidda-carrasanka ah, meelkasto oo ay ku yartahay dhirta waxaa ku yar carrada kadibna waxaay iskubedelaysaa meesha ay ka guurtay dhirtu meel saxarro ah oo kulaylkeeda aad u daranyahay (climate change).
8. Dhirta-cagaarkeedu midab ayay ku dartaa muuqaalka guud ka-dibna waxay wanaajisa quruxda dabeecadeed ee degaanka. “Waa muuqaal araggu ku doogsanayo oo soo jiidasho iyo xiiso lagu farxo leh oo indhahana uroon(green land).
9. Dhirta beeristeeda waxay qaybweyn ka qaadataa Bakhuurka hawada (Air pollution) xumeya in lagu yareeyo (pollution reduction) waxaa lagu yareyn karaa, fidin-badan  waxa la beeraya dhir intii hore ka sii badan sidoo kale waxaa lagu dadaalayaa in laga celiyo dadku inaysan jarin dhirta (Deforestation).
10. Dhirta-beeristeedu waxay si fiican u sahashaa maamulidda biyaha-daadka ah (flooding).
11. Dhirtu waxay yaraysaa khataraha fatahadaha, markasta meesha ay ku badan tahay dhirtu way yareneysaa in ay biyuhu si dhakhsi ah ay usocdaan laakian haddaysan meesha ku badneyn dhirtu, biyuhu waxay gaarayaan meelo fog, sidoo kale waxay yeeshaa dhirtu biyaha-roobku in ay qunyar u socdaan ka-dibna ku dhex-miirmaan ciidda ilaa xad, kolkii ay orod ku dhaafi la’hayeen. “Marka sidaas oo kale la falo waa hubaal in u dhulku biyaha ka dhergaayo ka-dibna isu-rogaayo cagaar saxansaxo-rayseed leh oo nooluhu ku soo hirto.
12.Marka la fiiriyo daraasadaha la sameeyey (research study), dhamaan waxaa lagu ogaaday, guryaha iyo hantida kale ee ma guurtada ah ee ku yaal meelaha dhirta lagu beero in ay ku soo jiidanayaan in aad ku nolaato,” sidaa-dareed waana ka qaalisan yihiin kuwa laga helo meelaha aan dhirta lahayn. tan kale waa in l ayareeyaa jaritaanka dhirta dadweynahana lagu wacigaliyo faa’iidada ay u leedahay dhirtu deegaanka iyo saameynta ay ku leedahay nolosha markasto meesha ay ku yaraato beerista dhirta waxaa dhacaayo nabbaad guur dhinaca dhirta ah (habitat degradation) haddii mresha ay ka guurto dhirtu waxay iskubedeleysaa meel lamadegaan ah (Desertification).
Ugu dambayntii markaan adeegsano ilaa intaas yar ama qodobada ee kor ku xusan, waa in aan ka fahamno faa’iidooyinka ay dhirta-beeristeeddu u leedahay degaanka ka-dibna qorshaha ku darsano in aan dhir beerno, maaddaama ay muhiimad ilaa xadkaas ah iyo ka badanba u leedahay jiritaanka-noolaha dhankastoo laga eego baahidiisa oo ay ku fiican tahay inuu ku noolaado meel doog leh oo indhuhunu ay ku doogsadaan meesha hadday dhirtu ku badan tahay waxaad ugu faa’iidaysan kartaa dhankasta. Tusaale ahaan xoolaha ayaa kuu daaqaya isku mid mahan xoolaha ku nool meelaha saxara ah ama lama degaanka ah iyo kuwa ku nool meelaha hawdka ah ama meelaha ay ku badan tahay dhirtu jawaabtu way iska cadahay iskuna mid ma ahan sidaa darteed ayey dhirtu muhiim u tahay.
Waxaad isweydiisaa maxaa wax looga qaban la’yahay dadka xaalufinta ka wada dalka, Soomaaliya ku dhawaad in kabadan 30-sano oo ay dad kale oo ganacsada sheeganayo ay u iibgeeyaan waddamada kale sida dariskeena oo mannuucay soo saarista dhuxul balse ogol isticmaalkeeda, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa ugu badan xaalufinta meesha ay ka jirto inta badan.
#GEED BEER RAJO ABUUR#
Hadaba yaa laga sugayaa in ay wax ka qabtaan dadka deegaanka nabaad guuriya?
W/Q Abdirashid Artan
error: Copy lama Ogola Fadlan