Fabio Capello:“C.Ronaldo waa dhaliye heer sare ah laakiin malahan hibada kubadeed ee lionel Messi”

Tababarihii hore ee Real Madrid Fabio Capello ayaa hoos u dhigay tayada laacibka Real Madrid  ee C. Ronaldo.

 

Isagoo waraysi siinayey majaladda caanka ah ee ka soo baxda dalka Spain ee AS ayuu si maldahan weerar afka ah ugu qaaday laacibkan waxa uuna sheegay in uu Lionel Messi yahay hanad halka CR7 uu ku sheegay mid aan gaarayn Messi.

AS oo tixraacaysay waraysi uu bixiyay macalinkaan reer talyaaani todobaadkii hore kaas oo ahaa in laacibiinta soomaray kubbadda cagta ay ugu sareeyaan Pelé, Maradona iyo Messi isagoo ka reebay hogaamiyaaha Real Madrid ee C. R onaldo

“C.Ronaldo waa dhaliye heer sare ah laakiin malahan hibada kubadeed ee lionel Messi” sidaas waxaa yiri tababare Fabio Capello.

ronaldomessi

“Messi markii uu jiray 17 ama 18 waxa uu ahaa laacib ay muuqato hibadiisa kubbadda cagta, laakiin Cristiano waxa uu ahaa ciyaaryahan fiican oo horumar badan sameeyay ka dib shaqo adag iyo dadaal badan oo uu sameeyay ayuuna ku noqday weeraryahan fiican.”

“Xiddiga Real Madrid kaliya ma ahan ciyaaryahan weyn laakiin waa ciyaaryahan aad u fiican hayeeshee ma lahan awooda uu ku maquunin karo ama uu ku sameyn karo waxyaabo aan la qiyaasi karin. Taas ayaana ah kala duwanaanshaha labadaan laacib Waana taas sida dhabta ah ee aan u arko”.

Tababarahaan reer talyaani ayaa dareensan in Ronaldo uu ugu cad-cadyahay ku guulaysiga abaal marinta   Ballon d’Or ee sandkan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan