Home / Habka-Nolosha / Fabio Capello:“C.Ronaldo waa dhaliye heer sare ah laakiin malahan hibada kubadeed ee lionel Messi”

Fabio Capello:“C.Ronaldo waa dhaliye heer sare ah laakiin malahan hibada kubadeed ee lionel Messi”

Tababarihii hore ee Real Madrid Fabio Capello ayaa hoos u dhigay tayada laacibka Real Madrid  ee C. Ronaldo.

 

Isagoo waraysi siinayey majaladda caanka ah ee ka soo baxda dalka Spain ee AS ayuu si maldahan weerar afka ah ugu qaaday laacibkan waxa uuna sheegay in uu Lionel Messi yahay hanad halka CR7 uu ku sheegay mid aan gaarayn Messi.

AS oo tixraacaysay waraysi uu bixiyay macalinkaan reer talyaaani todobaadkii hore kaas oo ahaa in laacibiinta soomaray kubbadda cagta ay ugu sareeyaan Pelé, Maradona iyo Messi isagoo ka reebay hogaamiyaaha Real Madrid ee C. R onaldo

“C.Ronaldo waa dhaliye heer sare ah laakiin malahan hibada kubadeed ee lionel Messi” sidaas waxaa yiri tababare Fabio Capello.

ronaldomessi

“Messi markii uu jiray 17 ama 18 waxa uu ahaa laacib ay muuqato hibadiisa kubbadda cagta, laakiin Cristiano waxa uu ahaa ciyaaryahan fiican oo horumar badan sameeyay ka dib shaqo adag iyo dadaal badan oo uu sameeyay ayuuna ku noqday weeraryahan fiican.”

“Xiddiga Real Madrid kaliya ma ahan ciyaaryahan weyn laakiin waa ciyaaryahan aad u fiican hayeeshee ma lahan awooda uu ku maquunin karo ama uu ku sameyn karo waxyaabo aan la qiyaasi karin. Taas ayaana ah kala duwanaanshaha labadaan laacib Waana taas sida dhabta ah ee aan u arko”.

Tababarahaan reer talyaani ayaa dareensan in Ronaldo uu ugu cad-cadyahay ku guulaysiga abaal marinta   Ballon d’Or ee sandkan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan