Home / Habka-Nolosha / Fabregas: “Waxaan doorbidaynay ku guuleysiga horyaalka England PL.”

Fabregas: “Waxaan doorbidaynay ku guuleysiga horyaalka England PL.”

Muqdisho – Cesc Fabregas ayaa sheegay inay doorbidayeen ku guuleysiga koobka horyaalka PL England in ka badan FC Cup-ka – saacado un kadib markii ay ku lumiyeen dhinaca Arsenal.

Xiddigii hore ee Gunners-ka kaas oo si weyn ugu riyaaqsanaa horyaalnimada England PL ayaa baddal kusoo galay ciyaartii ay finalka FA Cuo-ka la ciyaareen Arsenal oo 2-1 ku adkaatay.

“Ma sahlaneyn in nagala adkaado, hayeeshe wali waxay aheyd xilli fiican,” ayuu u sheegay wariyaasha. “Dhadhan qaraar ayaan kula laabaneynaa gegideenna.”

“Hayeeshe hadana waxaynu doorbidaynay inaan kula guuleysanno horyaalka PL koobka FA Cup-ka, hadana maysan dhicin.”

Fabregus ayaan aad uga faaloon mustaqbalkiisa Chelsea iyo nuuca wada-hadal ee uu la furi karo.

“Waxay tani u dhaxeysaa aniga iyo Conte. Kamana walaacsani. Wuxuu runtii qabtay shaqo cajiib leh macalinka Antonio.”

“Waxay ila tahay inaan xiriir fiican leennahay aniga iyo Conte. Waan fahmi karaa fikradda kubadda cagta in badan.”

“Laacib kasta wuxuu rabaa inuu in badan ciyaaro. Aniguna waan kamid ahay. Waxaana rabaa inaan u dagaallamo.”

“Waxaan dareemayaa jaceylka ay ii qabaan taageerayaasha mar kasta oo aan ahay laacib Chelsea u taagan.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan