Home / Dhaqaale / Facebook oo 15 jirsaday xilli fadeexooyin badan hareeyeen!

Facebook oo 15 jirsaday xilli fadeexooyin badan hareeyeen!

Himilo FM –Muddo 15 sanno ah, shabakadda facebook-ga waxay ku noqotay midda ugu badan ee lagu xiriiro caalamka oo dhan, waxaana ninka sameeyay uu noqday Bilyuneer iyadoo shabakadan ay isticmaalaan inka badan 2.5 Bilyan oo qofood.

Inkastoo dadka adeegsada Facebook-ga ay sii kordhayaan haddana sannadkii 2018 waxa uu shabakadda u ahaa sannad aan wanaagsaneyn marka la fiiriyo fadeexadaha la soo darsay.

Sannadkii la soo dhaafay, Facebook-ga waxaa harreeyay fadeexooyin badan oo la xiriiray xoggo ku saabsan macaamiisha oo la baahiyay, waxaa ugu caansan fadeexadii Cambridge Analytic.

Waxay tani keentay in Mark Zuckerberg oo ah ninka aasaasay islamarkaana leh shabakadda inuu hortago congress-ka Mareykanka iyo baarlamaanka Yurub.

Maamulka shabakadda waxa uu qiray dhammaan khaladaadka dhacay sannadihii la soo dhaafay, waxaana xusid mudan inaysan fadeexadaha si weyn u saameyn shirkada marka la fiiriyo xoggaha iyo tirakoobyada la hayo sida ay tilmaameen wargeysyada Metro iyo Independent ee dalka Ingiriiska.

Dad badan ayaa qiray in Facebook-ga uu sameeyay kacaan dhinaca xiriirka bulshada ah oo wax badan sahlay. Inka badan 2.7 Bilyan oo qofood ayaa adeegsada mid kamid ah barnaamijyada facebook-ga leeyahay sida Facebook, Instagram, WhatssApp iyo wixii lamid ah. Dadkaasi waxay kamid yihiin 4.2 Bilyan oo qofood oo heli karay Internet sannadkii 2018 .

Seddexdii billood ee ugu danbeysay, faa’iidooyinka facebook-ga waxay gaareen 12.8 Bilyan oo doolar, waa koror dhan 30% marka loo fiiriyo sannadkii 2017.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan