Himilo FM – Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay ka shaqeynayso isticmaalka hab casri ah oo ay kaga hortagayso farriimaha ku saabsan xisaabaadka ama boggaga dadka dhintay.
Shirkadda ayaa shaacisay inay rajeynayso joojinta waayo aragnimada xannuunka badan ee ku saabsan in dad dhintay lagu casuumo dhacdooyin ama loo rajeeyo dhalasho wanaagsan gudaha shabakadda Facebook-ga.
Tacsida qofka loo mariyo boggiisa Facebook-ga ayaa hadda u muuqan doona si gaar ah. Sheryl Sandberg oo ah sarkaal katirsan Facebook ayaa tiri ” Waxaan rajeynaynaa in Facebook-ga uu noqdo goob xusuusta dadka naga dhintay ka muuqato.”
Dadka isticmaala Facebook-ga ayaa inta badan ka cabanaya naxdinta ay ka qaadaan marka Facebook-ga u soo diray farriin ku saabsan inay la fal galaan dadka ka dhintay.
Tan iyo sannadkii 2009-kii, Facebook-ga ayaa awood u siinayay dadka adeegsada inay wax ku qori karaan islamarkaana farriimo la wadaagi karaan xisaabaadka shaqsiyaad geeriyooday.
Facebook ayaa tilmaamtay inay adeegsan doonto Al si ay u joojiso in xisaabaadka ama boggaga dadka dhintay soo muuqdaan.