Home / Arrimaha Bulshada / Fahamka dhowridda xuquuqda carruurta la soo eedeeyay

Fahamka dhowridda xuquuqda carruurta la soo eedeeyay

Himilo – In dhowaale ah waxaa baraha bulshada lagu arkay dhalllinyaro loo dhigay xabsiyada caasimadda kicin bulsho, qaar ka mid ah ayaa la sheegay iney ahaayeen caruur. Waxaa ka sii horreeyay carruur badan oo jeelalka Muqdisho loo dhigay falal la xiriira ciyaar-weeranimo, inkastoo markii dambe ay ciyaal-weeradu isu rogtay burcad hubeysan.

Marka la eego dalalka ay ka jiraan colaadaha iyo kuwa ka soo kabanaya sida Soomaaliya oo kale, waxaa la arkaa carruur badan oo loo haysto fal-dambiyeedyo ay geysteen ama ay ku lug leeyihiin, sababaha keenaya ayaa loo tiiriyaa mararka qaar nidaam-la’aanta ay ku soo koreen, tacliin ku filan oo aysan helin, dhaqaalo-xumo darteed iyo nolosha darbi-jiifnimada oo ay qaarkood wehel la yihiin.

Si aan warcelin uga helno weydiimo badan oo ku soo dhacaya maanka akhristeyaasha, sida; yaa la dhihi karaa carruur? Maxay yihiin waxyaabaha ay ku muteysan karaan eedda ah in la geeyo xabsi? iyo aragtida shuruucda dalka ay ka qabto carruurta eedeysaneyaasha ah iyo xuquuqda ay u baahan yihiin, waxaa nooga warramay sharciyaqaan Avv Maxamuud Sheekh Xuseen.

Abuukaataha ayaa sheegay in carruur la dhihi karo qof kasta oo ay da’diisu ka yar tahay 18 sano, sida ku cad tirsiga 8-aad ee qodobka 29-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah. “Maaddaama,” buu yiri abukaataha “sharciga ugu sarreeya dalka uu da’daas asteeyay, sharci kasta oo khilaafaya waa waxba kama jiraan.” Wuxuu xusay in ubad kasta uu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqan-xumada, dayacaadda, xad-gudubka iyo qabashada howlo aan ku habbooneyn da’dooda.

“Carruurtu waa dadka waaweyn oo kale, waxay geli karaan dambiyada yaryar iyo kuwa waaweyn sida dhaawaca iyo dilka. Qaadidda dacwadooda waxaa awood u leh guddoomiyaha maxkamadda gobolka, isagaa shakhsiyan u qaadaya dacwadaha ciqaabta carruurta marka laga reebo dacwadaha la xiriira dilka, sida ku cad qodobka 3-aad, labada farqo ee ugu horreysa 1 iyo 2 ee xeer Lr 13/8 Maarso 1970 iyo qodobka 39-aad ee Dastuurka kumeel-gaarka ah,” ayuu yiri Avv Maxamuud.

Qodobka 39-aad ee dastuurka. Sixidda Ku-xadgudubka Xuquuqda Aadanaha

(1) Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda Aadanaha.

(2) Sixidda xadgudubyadaas waa in lagu helaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.

(3) Qof ama urur kasta wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay iskood isu difaacaan.

Qodobka 3-aad: Xeer Lr 13/8 Maarso 1970 Maxkamadaha Caruurta, Ikhtisaasaadkooda iyo Habraacooda

  • Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka waxa uu u fadhiisan doonaa sidii Maxkamad carruur oo Gobolkiisa ah.
  • Iyadoo aan loo eegin Qodobbada sharci kale oo liddi ku ah, Maxkamadda Carruurtu waxay lahaanaysaa awood gaar ah oo ay ku dhegeysato kuna go’aamiso kiisaska la xiriira carruurta iyo da’yarta fal-dambiyeed kasta, marka laga reebo dacwadda dilka.

Abuukaate Maxamuud Sheekh ayaa tilmaamay in carruurta eedeysaneyaasha ah ay leeyihiin xuquuq kala duwan, laga billaabo maalinta la xiro ilaa maalinta ay dacwaddu dhammaaneyso. Xuquuqahaas waxaa ku jira in lagu xiro goobo ka duwan kuwa dadka waaweyn, in loo sheego dambiga loo heysto, in sababta lagu soo eedeeyay waalidka lagu wargeliyo, in loo qabto qareen; kharashkana ay dowladdu bixiso si looga hortago caddaalad-darro, in uu waalidku goobjoog ahaado marka cunugga eedeysanaha ah su’aalo la weydiinayo, in uu waalidku markhaati ka noqdo marxalad walba oo ay dacwaddu mareyso, in la dedejiyo dacwadaha iyo in loo oggolaado racfaan.

“Sida ku cad qodobka 29-aad iyo qodobka 5-aad ee xeer Lr 13/8 Maarso 1970 oo ah xeerka maxkamadda carruurta, caruur aan qaan-gaar ahayn laguma xukumi karo xabsi haddii aysan lama-huraan noqon, gaar ahaan carruurta ka yar da’da 14 sano,” ayuu yiri Abukaate Maxamuud.

Qodobka 29aad ee dastuurka kumeel-gaarka –  Carruurta

(4) Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtagal ah loogu wargeliyaa xiritaankooda.

(5) Ubadku waxay xaq u leeyihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay dowladdu bixiso, si ay uga badbaadaan dacwad kasta oo caddaalad-darro u keeni karta.

Qodobka 5-aad ee xeer Lr 13/8 Maarso 1970: Xabsi(Jeel)

  1. Ma jirto carruur lagu xukumi doono xabsi
  2. Ma jirayo qof da’yar ah oo lagu xukumi doono xabsi haddii maxkamadda carruurta aysan u arkin hababka kale ee kiiska in si sharci ah loogula macaamilo oo lagu qaado qodobbada sharcigan ama shuruucda kale ee suurtagalka ah.
  3. Qofka da’da yar ee lagu xukumay xabsi, hadba sida ay duruuftu oggolaanayso waa inaan loo oggolaan xiriirka maxaabiista qaan-gaarka ah ama da’da ah.

 

Waxa diyaariyay: Ismail Mohamed Samatar

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan