Himilo FM – Warbixin la xiriirta nabadgalyada wadooyinka Faransiiska ayaa daaha ka qaaday in 700 Kun oo qofood inay kaxeeyaan gawaarida maalin kasta iyaga oo aan heysan rukhsadda gaadiidka.
Waxaa lagu xusay warbixinta kororka tirada dadka aan heysan rukhsadda gaadiidka 10-kii sanno ee la soo dhaafay kuwaasi oo 4.5% mas’uul ka ah shilalka wadooyinka ee lagu dhinto.
Sida laga soo xigtay tirakoobyada, seddex meelood meel dadka aan heysan rukhsadda ayaan ka gudbin imtixaanka kaxeynta gaadiidka iyaga oo ka cabanaya kharashka ku baxa oo gaaraya 1500 oo Euro.
Waxaa jira darawalo kale oo kaxeeya gaadiidka rukhsad la’aan, waxay tani ku timid in lagala noqday sharciga markii ay sameeyeen khaladaad xagga wadooyinka ah.
Faransiiska, ganaaxa kaxeynta gaari rukhsad la’aan waxa uu gaarayaa 15 kun oo Euro, waxaana suura gal ah in gaariga laga wareego qofka.
Haddii uu qofka jabiyo sharciga wadooyinka ama uu kaxeeyo gaadiid isaga oo cabsan, waxaa lagu xukumi karaa labo sanno iyo ganaax dhan 30 kun oo Euro.
Dhinaca kale, qofka haddii uu shil galo isaga oo aan heysan rukhsad waxa uu qaadanayaa mas’uuliyadda xitaa haddii uusan laheyn, waxaa lagu qasbayaa inuu mag dhaw siiyo dadka dhibku gaaray.