Home / Arrimaha Bulshada / Faransiiska oo maaro u la’ Dhilqe magaalada Paris ku faafay.

Faransiiska oo maaro u la’ Dhilqe magaalada Paris ku faafay.

Himilo– Cayayaanka yaryar ee Dhilqaha loo yaqaan ayaa lasoo warinayaa in uu lawareegay Hoteladii, goobihii dalxiiska, maqaayadihii iyo tareenadii dalka Faransiiska.

Dadweynaha ayaa joojiye raacidda tareenada iyo gawaarida basaska maadaama cabsi ay ka qabaan in Dhilqe ka soo raaco.

Mid kamid ah dawalada tareenada oo lahadlaye warbaahinta waxa uu sheegay in kursigiisa uu ku arkay Dhilqe taana ay keentay in uu gurigiisa aadi waayo cabsi uu ka qabo in guriga uu geeyo.

Muqaalo lasoo galiye baraha bulshada ayaa laga arki karay cayayaanka oo si kooxkoox ah ugu socda kuraasta, dadka rakaabka ah ayaana looga digayaa loo sheegayaa inay fiiriyaan kursiga ka hor inta aysan fariisan.

Shirkadaha ka shaqeeya buufinta cayayaanka magaalada Paris waxay sheegeen in dalabku aad u batay halkii gurina ay $500 ay ku buufinayaan.

Paris oo dhawaan marti galineysa koobka Olympics-ka aduunka waxay qarka u saarantahay in looga guuro Dhilqe.

Shirkadaha leh guryaha martidu seexato ee loodiyaariye dadka ka soo qeyb galaya koobka Olympics ayaa cabsi xooggan ka qabo inay marti waayaan.

Wasiirka gaadiidka oo la kulmay madaxda gaadiid leyga waxa uu kala hadlay sidii looga taxadiri lahaa dadka musaafurka ah.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan