Faras ku nool Ohio oo sayntiisa loo aqoonsaday tan ugu dheer adduunka

Himilo – Faras lagu magacaabo Jenny, oo ku nool gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa galay diiwaanka Guinness World Records kaddib markii la xaqiijiyay in dhererka sayntiisu gaarayso qiyaastii 4.11 mitir.

Jenny oo 13 jirsaday ayaaa la sheegay inay dhaawacantay sayntiisa taas oo keentay inay go’aysay, balse ay intan ka dheeraan lahayd.

Jenny waa faras ka tirsan nooca American Saddlebred, oo lagu yaqaan dabo dhaadheer. Milkiilayaasheeda ayaa go’aansaday inay dsaynta u dayso, maadaama dabada dheer ay tahay sifo lagu qiimeeyo fardaha noocan ah marka la soo bandhigayo.

Saynta Jenny ayaa rikoor cusub dhigtay, iyadoo dhaaftay diwaannadii horay loo hayay. Kadib xaqiijinta rikoorka, Jenny ayaa markii ugu horreysay saynta laga gaabiyay.

Haweeneyda leh ayaa sheegtay in ay rajaynayso in daryeelka iyo shanlaynta saynta dheer aysan hadda sidii hore u badnaan doonin.

error: Copy lama Ogola Fadlan