Home / Arrimaha Bulshada / Farriin gaaban: Tacadigu ma wehelka dhedigtaa?!

Farriin gaaban: Tacadigu ma wehelka dhedigtaa?!

Himilo FM –Dhibaatada, qaxa, dhimashada, dhaawaca, rafaadka iyo harjadka nolosha waxay kala simantahay ragga oo ah kuwo ku xeeran. Balse waxaa intaa u dheer ku dhibaateynta abuurista Alle oo uu kaga duway rijaalka. Ka warhaynta gabadha iyo u samafalkeeda waa arrin uu garto ruux walbo oo caaqil ah kaas oo ay ku jirto naxariis bani’aadanimo.

Kufsiga iyo faraxumeynta waa dhibaatooyinka ugu xun oo ay la kulmaan haween badan oo dunida ku nool haba u darnaato gudaha Afrikada uu jahligu halakeeyey iyo waddamo kale oo lasoo raaciyo kuwaas oo lagu tilmaamo dowladaha dib-u-dhacsan; waa tilmaanta reer Galbeedku bixiyaan laakiin daraasadaha la sameeyo waxaa lagu sheegaa  keliya inaysan meelahaa dumarku ku dhibbaneyn se waa sida uu yahay sharciga ka jira dalalkaas.

Daraasad dhawaan-gal ah oo laga sameeyey UK ayaa lagu sheegay in badi raggu ay qabaaan qawnaanshaha gabdhaha ay sabab u tahay in la damco ama lagu xadgudbo; dumarkuna ay ka helaan xirashada dharkaa. Daraasadda ayaa lagu sheegay sidoo kale in dumarku badankood ay arrintaas ku raaceen ragga.

Balse marka laga hadlayo Soomaaliya ama waddan lamid ah oo haysta diinta islaamka, ma dhar la’a gabdhuhu; dhibaateyntana way ka jirtaa waliba inamada aan qaangaarin iyo kuwa ku jira da’da qaangaarnimada.

La’aanta daryeel caafimaad, waxbarasho tayo leh, u-hiilin-yarida muuqata, Gudniinka Fircooniga ah oo lagu daray ficil fara-xumeyn ah waxa uu mugdi galinayaa heybadda nolosha hablaha Geeska Afrika.

Geesta kale, hablaha la kulma tacaddiyada tooska ah ma helaan tix-galin oo waxay la kulmaan  takoorid joogta ah iyada oo loo arkayo arrinku in labka lagu caddeyn Karin dhedigtuna liidnaantu ehel u tahay.

Helidda caddaalad, ku ciqaabida cidda falka geysatay iyada oo loo marayo sharciga waa xalka lagu yareyn karo gabood-fallada habluhu la kulmaan. Balse xal ma noqoto in toddobaad baraha bulshada lagu yiraahdo cadaalad bay rabtaa, waa lagu xad gudbay, oday dhaqameed baa go’aan ka gaaray iyo erayo kale.

Fardowsa Sheik Abdirahman.

Radio Himilo

Kala xiriir: lamiis2239@gmail.com

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan