Home / Arrimaha Bulshada / Farriin jaceyl oo 77 sanno kaddib gaartay qofkii loo waday!

Farriin jaceyl oo 77 sanno kaddib gaartay qofkii loo waday!


Himilo FM – Phyllis Ponting oo ah ayeeyo 99 jir ah ayaa lagu wareejiyay warqad jaceyl oo uu qoray nin askari ahaa oo ay u dooneyd oo la aaminsan yahay inuu ku dhintay badda Atlantic-kada.

Bill Walker oo ah ninka laga helay warqadda jaceylka oo lagu waayay dagaalkii labaad ee dunida ayaa la tilmaamay inuusan ka jawaabin farriin ay u qortay Phyllis oo ay kaga aqbashay codsi guur oo uu soo jeediyay.

Haweenayda da’da ah ayaa mar danbe guursatay ninka kale oo lagu magacaabo Jim Holloway oo ay u dhashay afar carruur ah. Waxay mar kale guursatay Reginald markii uu ka dhintay ninkii hore.

Markabka laga helay warqadda jaceylka ah ee uu qoray Walker ayaa la rumeysan yahay inuu dagay sanadkii 1941.

Farriintii ugu horreysay oo ay haweenayda u dirtay Walker waxay ahayd mid ay ku aqbashay inay guursato hase ahaatee waxay u qaadatay inuu go’aankiisa badalay markii ay jawaab ka weysay.

Warqadda la helay waxa uu Walker ku sheegay sida uu ugu farxay inay Phyllis aqbasho guurkiisa isagoo yiri “ Waxaan rajeeyay inaan halkaasi joogo marka aan warqadda furayay.”

Waxa uu intaa raaciyay “Haddii aad keliya oggaan laheyd sida aan noqday, gacaliso.”

Mrs Phyllis ayaa sheegtay inaysan illaa maanta kahor oggaan in Walker uu ka badbaaday dagaalka iyo inkale.

“ Ma u maleynayo inuu ka badbaaday dagaalka, haddii kale waxa uu toos u imaan lahaa xaafadeyda Roseland,” ayay tiri haweenayda da’da ah oo ayeeyo u ah toddobo carruur ah.

Waxay intaa ku dartay inay isguursan lahaayeen oo Walker uu aad jeclaa.  Warqadda xambaarsan farriinta jaceyl ayaa lagu soo bandhigay bandhig lagu qabtay magaalada London.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan