Himilo-Fatahaada wabiga shabeele ayaa sababay khasaaro hantiyeed iyo mid nololeed oo haysata dadkii ku noolaa tuulooyin hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Wabiga ayaa ku fatahay qiyaastii 40 km, waxaana tuulooyinka uu sida aadka u saameyay ka mid ah,beerway celi, maqdas, Farbarako, shanlow, dhagaxow, Muku Dhere,wargaab iyo mareerey oo ka tirsan Shabeellada dhexe.
Suudi Maxamed Makaraan waxa uu ka mid yahay beeralayada ku hantida belay fataahada uu sameeyay wabiga Shabeelle. Suudi waxa uu daganyahay dagmada Balcad waxa uu sheegay in muda sadex bilood ah ay dhibaatadaan ku jiraan. Suudi oo aan wareysanay ayaa yiri ‘Xilligan biyuhu waxay ku jiraan beerahay, kaluumeysato ayaana beerihii kaluun ka dabanaya, halkaa layuu xaalku marayaan’. dadku way kala daranyihiin dadka qaar beerihii iyo guryihii ayay biyuhu ugu galeen” ayuu hadalkiisa sii raaciye.
Waxa uu tilmaamay in markii hore ay dhibaato ku hayeen cayayaano waxyeelaynaya dalagyada ay beertaan, balsa hadda wixii oo dhan uu cagta mariyay wabiga waxaana uu yiri ‘qof waliba sidii uu ku noolaan karo ayuu ku noolyahay, dadka qaar ayaa magaalooyin kale u qaxay’.
Inkastoo maamulka degmada balcad ay gargaar gaarsiiyeen , hadana waxaa uu sheegay in weli ay u baahanyihiin caawimaad iyo in laga gacan siiyo sidii loo ogaan lahaa cudurada dhalanaya marka uu wabigu laabto.
Fatahaada wabiga ayaa timid xili uusan dalku ku jirin waqtigii roobka waxaana dadka beeralayda ah ay tilmaamayaan in loo malaynayo roobab ka da’ay dhinaca itoobiya ay keentay fatahaadaan sida uu noo sheegay Axmed Maxamuud oo ka mid beeralayda dhibaatadu ay soo gaartay ayaa yiri “Wabiya waxa uu qarka ka jabsaday meelo badan, xattaa xilliyada roobka uu da’o sidan oo kale umma fataxi jirin, marka roobab meelo kale ka da’ay ayaa sabab u ah’
Waxaa uu sheeegay in dadkaan ay hadda ku sugan yihiin xaalad adag maadama sedex xili oo isku xigta ay dalagyadoodi ka baa’ba’een ayna u baahan yihiin in caawimaad lala gaaaro.
Fatahaadaha ay sameeyaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa ah kuwa sanad kasta soo noq noqda, kuwaas oo gaysta qasaaro iskugu jira naf iyo maalba, waxaana muuqata in arrintaan laga dhigtay wax iska caadi ah bulshaduna ay la qabsadeen waasa dhibaato saamaynteeda wadata.