Himilo FM –Porto ayaa ogolaatay inay ka iibiso Felipe kooxda Atletico Madrid heshiis 20 milyan oo Euro ah, sidaasi waxaa sheegay kooxda reer Portugal.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa FC Porto kaga soo biiray Corinthians sannadkii 2016, waxaana uu ku guuleystay sannadkii 2018 horyaalka Portuguese iyo Super Cup, isagoo 142 kulan u saftay kooxda islamarkaana u dhaliyey 11 gool.
“FC Porto waxay ku wargelineysaa suuqyada inay heshiis la gaareen Atletico Madrid oo ah ciyaaryahanka Felipe Augusto de Almeida Monteiro inay 20 Milyan Euro kaga iibinayso ,” ayaa lagu yiri bayaan ay kooxdu soo saartay.
Atletico oo aan weli wax faallo ah ka bixin arrinta, ayaa lagu wadaa inay soo dhaweyso dhowr waji oo cusub xagaaga si ay u beddelaan daafacyada Diego Godin, Filipe Luis, Juanfran iyo Lucas Hernandez.
Weeraryahan Antoine Griezmann ayaa sidoo kale la filayaa inuu baxo ka dib markii uu kooxda u sheegay horraantii bishan inuu doonayo inuu baxo.