Home / Cayaaro / Fenerbahce oo dalab cusub ka gudbineysa xiddiga Rojo

Fenerbahce oo dalab cusub ka gudbineysa xiddiga Rojo

Himilo- Kooxda Fenerbahce ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay cusbooneysiiso xiisaheeda daafaca Manchester United Marcos Rojo billowga sannadka 2020.

Inkastoo si xooggan loola xiriirinayay ka tagida Old Trafford xagaagii la soo dhaafay, Rojo ayaa la sii joogay kooxda Premier League, waxaana uu sameeyay kulankiisii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka ciyaartii  Europa League habeenkii Khamiista.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa mar kale u furan inay ganacsi sameyso bisha Janaayo iyadoo ciyaaryahanka garabka biddix uu helayo soo jiidasho kooxaha doonaya inay ku xoojiyaan safkooda bartanka xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay Fotospor, Fenerbahce waxay sameyn doontaa isku day kale si ay ula saxiixato 29 jirka, iyadoo laga yaabo heshiis ammaah ah inay ku dalbadaan.

Iyadoo uu Rojo qandaraaskiisa uga harsan yahay labo sanno, United ayaa laga yaabaa inay ku adkeyso inay ku darto ikhyaar ay iibsato si ay u siiso fursada bixitaankiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan