Himilo- Kooxda Turkiga ka dhisan ee Fenerbahce ayaa wadahadalo la yeelan doonto Chelsea oo ku saabsan suurtogalnimada ay si xor ah ugula wareegi karaan Pedro xagaaga soo socda.
Pedro, oo Stamford Bridge uga soo dhaqaaqay Barcelona 2015-kii, ayaa qandaraaskiisa Chelsea uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Xiddiga reer Spain ayaa laga yareeyay safashada kaliya seddex kulan oo Premier League ah ayuu ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan saftay , iyadoo tababare Frank Lampard uu doonayo inuu dhiso koox ka ‘yar ah.
Sida laga soo xigtay Takvim, agaasimaha isboortiga Fenerbahce, Damien Comolli, wuxuu la kulmi doonaa wakiilada Pedro si ay ugala hadlaan suurtagalnimada inuu u dhaqaaqo Istanbul xagaaga.
32-sano jirkan, oo xor u ah inuu wadahadalo la galo kooxo kale bisha Janaayo, waxaa uu dhaliyay 42 gool islamarkaana abuuray 26 caawin 191 kulan uu saftay.
Intii uu joogay Chelsea, Pedro waxa uu ku guuleystay hal Premier League, hal FA Cup iyo hal Europa League.