Home / Habka-Nolosha / Ferdinand: “Hazard waa Ronaldaha Chelsea.”

Ferdinand: “Hazard waa Ronaldaha Chelsea.”

Muqdisho – Eden Hazard waa fariid hibo u leh bandhigyada cajiibka leh oo lamid ah kuwa uu sameeyo weeraryahanka Real Madrid, Christiano Ronaldo, sidaas waxaa yiri laacibkii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand.

Laacibka xulka Qaran Biljam ayaa fure u noqday guulaha ugu danbeyn ku dhow in Blues-ka ay ku hanato horyaalka England PL – tiiyoo guushii ay ka gaareen Middlesbrough ay saddex dhibcood ka xigto in loo boqro horyaalnimada xagaagan.

Wuxuu isku darka dhamaan xilli-ciyaareedkan u dhaliyay 16 gool naadiga Chelsea. Ferdinand ayaana rumeysan in laacibkani uu leeyahay xirfad ciyaareed lamid ah xiddiga ka ciyaara gegida Santiago Bernabeu.

Wuxuu The Times u sheegay: “Hazard wuxuu horumariyay dhaqdhaqaaqiisa, wuxuu lasoo baxay tayo lamid ah middii Ronaldo aan ku bartay markii uu nala joogay Man United.”

Hazard ayaa ku dhameysanaya xagaagii shanaad gudaha gegida Stampford Bridge. Wuxuuna taniyo markaas naadiga ka caawiyay guulooyin la taaban karo.

Wuxuu Chelsea u saftay tiro ku dhow 250 kulan – isaga oo shabaqa u dhigay 71 gool.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan