Home / Arrimaha Bulshada / Ficil yar ayaa u horseeday guusha bakhtiyaa nasiibka ugu weyn Mareykanka!

Ficil yar ayaa u horseeday guusha bakhtiyaa nasiibka ugu weyn Mareykanka!

Himilo FM –Dalka Mareykanka,  bakhtiyaa nasiib ku kacaya 877 Milyan oo doolar ayaa waxaa ku guuleystay nin sameeyay ficil yar oo la boggaadiyay.

Wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ninka aan magaciisa la shaacin uu saf dheer ugu jiray dukaan ku yaalla  gobalka South Caroline ee dalka Mareykanka si uu u iibsado ticket-ka bakhtiyaa nasiibka laakiin waxa uu safka u banneeyay nin ka danbeeyay si uu uga hormaro.

Guuleystaha ma oggeyn in dhaqanka ama ficilka yar ee uu sameeyay inuu u horeedi karo inuu qaato bakhtiyaa nasiibka ugu weyn Mareykanka ee Mega Million bishii October ee sannadkii hore.

Qoraal ka soo baxay guddiga bakhtiya nasiibka ee gobalka South Caroline ayaa lagu sheegay in haddii ninka uusan sameyn laheyn ficilka naxariista leh uusan nasiib u yeelan laheyn lacagta.

“Ficil yar oo fudud oo keenay natiijo wanaagsan,” Ayaa lagu yiri qoraalka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan