FIFA oo go’an lama filaan ah ka gaartay kaarkii Buluugga ee lagu soo kordhinaye kubadda cagta

Himilo _ Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa meesha ka saaray in la dhaqangelin doono kaadhka buluug ah ee loogu talo galay in 10 daqiiqo ciyaartoyda garoonka looga saaro, isagoo yiri: “Kaadh cas ayaa loo taagay kaadhkii buluuga ahaa.”

Xeer-dejiyeyaasha kubbadda cagta ayaa lagu wadaa inay ansixiyaan tijaabada in ciyaartoyda gala qaladaadka qaar in si ku meel gaar ah loo ciqaabo, laakiin isticmaalka kaadh buluug ah ayaa gabi ahaanba meesha laga saaray.

Waxaa la fahamsan yahay in madaxda sare ee kubada cagta inay amakaak ku noqotay soo jeedinta ah in la isticmaalo kaadh buluug ah markii uu warkaan soo baxay bishii la soo dhaafay.

“Mowduucaan kaadhka buluuga ah dhankeena kamaba jiro” ayuu yiri madaxweynaha FIFA Infantino.

Qorshaha ciqaab ku meel gaar ah ayaa looga doodi doona kulanka xeerdejiyeyaasha kubada cagta, marka ay Scotland ku kulmaan maanta oo Sabti ah.

Si kastaba, Infantino wuxuu sheegay in qorshaha uusan ku jirin kaadh buluug ah.

“Fifa waxay gabi ahaanba ka soo horjeedaa kaadh buluug ah. Anigoo ah madaxweynaha FIFA kama warqabin arintaan, FIFA cod weyn ayay ku leedahay xeerdejiyeyaasha kubada cagta. Ma jirto sabab lagu ansixiyo kaadh buluug ah” ayuu yiri.

“Waa inaan si dhab ah u hadalno. Waan soo dhaweyneynaa fikrado cusub, fekrad walbana si ixtiraam leh ayaa loola dhaqmayaa.

“Laakiin waa inaan ilaalinayo dhaqanka kubada cagta. Kaadh buluug ah ma jiro.”

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan