Home / Habka-Nolosha / Figo oo Messi iyo Ronaldo ku tilmaamay xiddigo istaahila biladda Ballon d’Or.

Figo oo Messi iyo Ronaldo ku tilmaamay xiddigo istaahila biladda Ballon d’Or.

Muqdisho – Messi iyo Christiano Ronaldo waa labada laacib ee ugu fiican dunida, marka loo eego xiddigii hore ee xulka Qaranka Portugal, Luis Figo.

Xiddigaha xulalka Argentine iyo Portuguese ayaa ku socda noqoshada hal-doorrada ku loolamaya abaal-marinta kubadda cagta ugu qaalisan.

Waxay sanadihii dhawaa oo dhan kasoo muuqdeen musharraxnimada abaal-marintan  – iyaga oo 9 jeer ka heysta wadar celcelis oo ay ku kala guuleysteen Ballon d’Or. Waxayna kooxaha ay u ciyaaraan ku saacideen hanashada koobabka horyaalladooda iyo kan UCL.

Figo ayaa ah halyeygii ugu danbeeyey ee wax laga weydiiyo xiddiga loo boqri karo kan ugu sarreeya. Wuxuuse iska diiday inuu midkood ku asteeyo abaal-marinta Ballon d’Or ee sanadkan.

Laacibkan oo sanadkii 2001 ku guuleystay biladda World Player of the Year ayaa war-fidiyeenka u sheegay: “Labaduba waa xul iyo hal-doorro  aan kala dhicin. Mar kastana way adag tahay in mid laga doorto kan kale.”

Messi iyo Ronaldo ayaa xilli-ciyaareedka 2016/2017 ee sanadkan u sharraxan biladda Ballon d’Or.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan