Home / Dhaqaale / Finland oo dhimeysa saacadaha iyo maalmaha shaqada

Finland oo dhimeysa saacadaha iyo maalmaha shaqada

Himilo – Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Finland Sana Marine ayaa shaaca ka qaaday inay shaqaalaha dalkeeda u oggolaanayso inay wakhti badan la qaataan qoysaskooda iyada oo gudbineysa jadwal cusub oo shaqooyinka dalka ah si loo yareeyo saacadaha la shaqeeyo.

Ms Sana oo 34 sanno jir ah islamarkaana hadda ah ra’iisul wasaaraha labaad ee ugu da’da yar caalamka ayaa tilmaamtay in shaqaalaha dalka fursad loo siin doono inay wakhti fiican la qaataan qoysaskooda iyaga oo dhanka kale guulo ka sameynaya cayaaraha ay xiiseeyaan.

“Waxaan aaminsanahay in dadka mudan yihiin wakhti badan oo ay kula joogaan qoysaskooda,” ayay tiri RW Finland.

Haweenayda hoggaamisa Finland oo horay u soo noqotay wasiirka gaadiidka ayaa shaacisay inay saacadaha shaqada ka dhigi doonto 6 saacadood maalintii iyada oo la shaqeynayo keliya afar maalin toddobaadkii.

Goor sii horreysay, inta aysan noqon ra’iisul wasaaraha Finland, Sana ayaa ku baaqday in la yareeyo saacadaha shaqada si kor loogu qaado wax-soo saarka shaqaalaha.

Waxaa xusid mudan in Sweden ku guuleysatay inay yareyso saacadaha shaqada dalka oo laga dhigay 6 saacadood maalintii. Tani waxa uu dalka ka dhaxlay wax-soo saar wanaagsan. Finland ayaa u muuqata inay raaceyso dhabbaha Sweden si loo helo shaqaale leh wax-soo saar fiican.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan