Himilo FM –Shirkada gawaarida sameysa ee Ford ayaa ugu danbeyn soo saartay sariir caaqil ah oo xadeynaysa masaafada labada qofood ee ku jiifa.
Waxay shirkada doonaysaa in barnaamijka lagu isticmaalo gawaarideeda ee oggeysiinaya qofka darawalka ah inuu dhaafay masaaxada loogu tala galay in loo sameeyo sariirtan ah nuuca caqliga ku shaqeeya.
Farsamadan waxay sahlaysaa in sariirta la socoto dhaqdhaqaaqa labada qofood ee ku jiifa lana ogaado qofka ka soo gudbay xadkiisa oo ay tahay in dib loogu celiyo booskiisa calaameysan.
Sariirtan caaqilka ah ayaa ah dhexdhexaadiyaha qaabilsan in qof kasta lagu hayo booskiisa sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail.
Waxaa xusid mudan in sariirta wali tahay tusmo oo aan wali la soo saarin, waxaana laga warqabin wakhtiga shirkada sameyn doonto si loo iibiyo.