Himilo FM –Waxaa baraha bulshada looga faa’iideysan karaa siyaabo kala duwan keliya kuma koobna in wax lagu qoro lagana helo wararka.
Tani waxaa tusaale u noqon kara sheekada gabar Mareykan ah oo uu meel loo dalxiiso kaga lumay saaxiibkeed iyaga oo wada socda.
Britanny Blake ayaa daqiiqado kooban ka mashquushay saaxiibkeed isaga oo kaga lumay dad badan oo joogay xarunta loo booqasho tago ee “Walt Disney World”
Intaa kaddib, Britanny ayaa ku qasbanaatay inay baafiso saaxiibkeed iyada oo adeegsaneysa baraha bulshada si ay u hesho.
“Qoraalkan waa layaab, saaxiibkeyga ayaa iiga lumay Epcot, waxaan la’ahay saacado, taleefonkiisa wuu dansan yahay, qofkii arka ha u sheego inaan joogo Mexican Pavilion,” ayay Britanny ku tiri qoraal wata sawirro oo ay dhigtay shabakadaha xiriirka bulshada.
Waxay tilmaamtay gabadha inay baraha bulshada u aragtay wadada keliya oo ay ku heli karto saaxiibkeed.
Nasiib wanaag, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga jawaabay codsiga gabadha iyaga oo markii danbe helay ninka islamarkaana u tilmaamay halka gabadha laga heli karo.