Himilo – Sida caadiga ah, dhallaanka marka ay ku soo biirayaan dunidan, waxa ugu horreeya ee lagala kulmo waa qeylo ama oohin balse xaaladda cunug yar oo ku dhalatay Brazil way ka duwaneyd.
Sida ay muujiyeen sawirro uu baahiyay wargeyska Mirror, Isabella Pereira ayaa si layaab leh oo ay ka muuqato carro u fiirisay dhaqtarkii ka umiliyay hooyadeed waxyar kaddib markii ay ku soo biirtay dunida.
Rodrigo Kunstman ayaa ka qaaday sawirrada cunugta yar oo ku dhalatay isbitaal ku yaalla Rio de Janeiro ee dalka Brazil. Waxa uu xusay in dhalashada gabadha yar ahayd mid mudan in laga qaado sawirro.
Waalidiinta gabadha yar ee Diana iyo Renato Pereira ayaa sheegay in aysan qorsheysan dhalmo balse ay oggaadeen xaaladda toddobaadyo kaddib.
Diana ayaa xustay in sawirka gabadheeda oo ay ka muuqato carrada uu ka tarjumayo shaqsiyad adag oo leh go’aan iyo awood.
Waxay intaa raacisay “Gabadheyda waxay dhalatay iyada oo geesiyad ah, waxaa la filayay inay dhalato 20-ka balse iyada ayaa dooratay maalinteeda ,” ayay tiri Diana
Sawirka gabadha oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa si weyn looga fal-celiyay. Waxaa ka helay kumanaan qofood halka ay fallooyin boqolaal ah ka dhiibteen dad badan.