Gabar ganacsi cusub ku sameysatay Muqdisho.

0
3

Himilo – Xaliimo Nuur waa gabar ka ganacsada Digaaga oo tarankeeda iyo dhaqashadeedu ay ku sii yaraanayaan dalka.

Macaamiisha sida joogtada ah wax uga iibsado waxaa kamid ah Muna Xuseen oo aan la kulannay iyadoo iibsaneysa digaaga , waxa ay qeyb ka tahay dadka weli ku danbeeya dhaqashadiisa, in ka badan toban sano ayay xananaysataa sida ay noo sheegtay.

Badi Digaaga ay ka ganacsato xaliimo ayaa uga kala yimaada qaar ka mida degmooyinka Muqdisho iyo gobolada dalka.

Digaaga iyo ukunta dibada innooga yimaada ayay Xaliimo u aragtaa in ay saamanyn ku yeesheen kii dalka. Waxa ay Bulshada ku dhiirigelineysaa inay digaaga gudaha adeegsadan si loo dhiiri geliyo dadka dhaqda.

 

Halkan ka daawo sheekadeeda oo muuqaal ah

https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/569970125210602