Muqdisho – 1998-dii inan yar oo saacado dhalaneyn ayaa waxaa laga afduubtay isbtaal ku yaala degmada Jacksonville ee gobolka Florida.
18 sano ka dib ayaa la helay iyadoo gashaanti ah caafimaad qabta oo reero kale la nool iskuul sarana dhameysay.
Shir ay qabteen madaxda xafiiska degmada oo ay ka soo qeyb galeen warfidiyeen ayaa warkan lagaga dhawaaqay.
Kamiyah Mobley waxaa laga qafaashay isbitaal jaamacadeed wax yar uun ka dib dhalashadeedii 10-kii juun 1998-dii.
xilligaas inanta abeydinka aheyd la afduubtay kaamiro ayaa qabatay haweeneyn isbitaalka ka baxaysa oo dhalaan wadata.
Sheriff Mike oo ah madaxa degmada ayaa sheegay in gabadha la helay in degmada Walterboro ee South Carolina.
saraakiisha waxa ay sheegeen in DNA inanta la baarey lana aqoonsaday.
Gloria Williams, oo 51 jir ah ayaa lagu eedeeyey iney ku lug laheyd kiiska ama dacwasa afduubka Kamiyah Mobley.
Ku xigeeno ayaa sheegay in Mobley magac kale ay laheyd, balse booliska dadweyna ma aysan la wadaagin magacaas.
“Way caafimaad qabtaa sida muuqata, waana gabar 18 jir ah,” Sheriff ayaa sheegtay intii lagu guda jiray kulan uu qabtay.
Muddadii gabadhu ay maqneyd boolisku waxa ay raac raac ku hayeen 2,000 oo kiis.
Sideed saacadood ayey dhalaneyd Kamiyah xilligii la afduubanayey, haweeney kalkaaliso iska dhigtay ayaa hooyadeed ka qaaday.
Isla markiina si qarsoodi ah ayey isbitaalka uga Kamiyah.
Shanara xilligaa waxa ay gabadheea isbitaalka u keentay inay ka daaweyso ama ay tijaabiso qandho inanteeda ay ku aragtay.
Kalkaaliyaashu waxa ay u haysteen haweeneyda iney qoyska gabadha ka mid aheyd sababtoo ah waxa ay arkayeen shanara iyo haweeneyda oo wada hadlaya.
18 sano ka dib kamiyah waxa ay la midowday qoyskeedii oo markii ay heleen inantoodii ilin farxadeed kala joojin waayey.
Waxaa kale oo jira sida maamulka Jacksonville uu xaqiijiyey waalidiin badan oo muddo raadinyey caruurtooda oo hadda ay gashay rajo cusub oo maalin uun ku taamaya iney heli doonaan dhalaanka ka maqan.
Qore: Axmed Maxamed Haadi.