Himilo – Qiimaha suuqa tima beerista dalka Turkiga ayaa kor u dhaafay 1 Bilyan oo doolar sannadkii hore sida laga soo xigtay sarkaal katirsan waaxda xiriirka dhaqaalaha dibadda ee dalkaasi.
Xogtan ayaa ku soo aadaysa xilli Turkiga uu kamid noqday dalalka hoggaamiya ganacsiga timo beerista caalamka iyadoo qofka loogu fidinayo qiimo macquul ah oo jaban.
Servet Terziler oo katirsan waaxda xiriirka dhaqaalaha dibadda Turkiga ee DEİK ayaa u sheegay wakaalada wararka Anadolu in adeegyada timo abuuridda Turkiga yihiin kuwo tayeysan marka loo fiiriyo Yurub inteeda kale.
Mr Servet ayaa xusay in timo beerista tahay mid kamid ah shaqooyinka ugu adag caalamka islamarkaana lagu bixiyo kharash xad dhaaf ah.
Marka la joogo Turkiga, qofka waxaa timaha loogu beerayaa lacag dhan $2,274 iyo $2,842 sida Servet uu ka dhawaajiyay.
Dad badan oo deggan dalalka bariga dhexe ayaa Turkiga u taga howlo la xiriira timo beeris iyadoo ay jiraan dad kale oo ka yimaada dalalka Yurub.
Macaamiisha Yurub ee u taga Turkiga timo abuurid waxay ka dhaqaaqaan Netherlands, Belgium, UK iyo Faransiiska.