Home / Macluumaad / Ganacsiga Yar yar Iyo Sida Lagu Hormariyo.

Ganacsiga Yar yar Iyo Sida Lagu Hormariyo.

Milkiilayaasha Ganacsiga yar yar  waxaa wajaha caqabado ballaaran oo ah dhanka maamulka heerarka daymaha lagu yeesho ama ay galaan.

77

http://radiohimilo.so

Sababtoo ah badanaa ma helaan lacag Cadaan ah oo ay uga hor tagaan waxyaabaha la soo gudboonaada adeegooda ama wax soo saarkooda.

Waxa ay dhib ula tagaan Bangiyada iyagoo damacsan in kharashaadkaas ay ku kobciyaan ganacsigooda hooseeya.

Sidoo kale milkiiyaashu waxaa kale oo ay la kulmaan caqabad kale oo ah helidda Daymaha ay bixiyaan Bangiyada.

Ganacsigaada si uu u guuleysto waa inaad raacdaa Tilmaamahan Hoose:-

1.Waa inaad Khibrad Leedahay

Sababtoo ah khibradu waxa ay aasaas u tahay waxa aad sameynayso haddi aqoon aadan u la heyn qaladaad badan ayaad ku dhacaysaa oo ku seejin kara guusha.

2.Waa Inaad Talooyin Aad Hesho.

Waxa aad sameyneyso oo aad la wadaagto dadka kaaga aqoonta roon waxa ay sidoo kale kaa saacideysaa Guuleysiga ganacsigaada.

3.Waa inaad Wanaajisaa Ganacsigaada.

Talayada agabka aad dadweyna u soo bandhigayso waxa ay kaalin dhankeeda ka gaysataa in bulshadu ay ku baro.

4.Waa Inaad Dib U Eegto Ganacsigaada mar kasta.

Inaa dib u qiimeyso halka aad marayso waxa ay kaa caawineysaa inaad is ogaato lana socoto siimaan ganacsigaada.

5.Waa inaad deegaanka aad keento Agab cusub.

Ku soo kordhin gacasigaada qalab cusub waxa ay keeneysaa in dadweynu ay kuu yimaadaan adna aad wax badan iibiso.

Ganacsiga yar yar waxa uu si weyn uga qeyb qaataa kobaca dhaqaaalaha guud ee dalka waxaa kale oo uu keenaa in ruux walba uu noqdo milkiile go’aanka iska leh.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan