Home / Arrimaha Bulshada / Garsoore amray in la xero 14 macallin oo ay isku qabteen garoon salax ah!

Garsoore amray in la xero 14 macallin oo ay isku qabteen garoon salax ah!

Himilo FM – Golaha garsoorayaasha iyo dacwad oogayasha Turkiga ayaa furay baaritaan la xiriira xarigga 14 macallin oo uu amray garsoore sida laga soo xigtay wargeyska maalinlaha ah ee Hürriyet.

Wargeyska ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo amar uu bixiyay garsoore fadhigiisu yahay gobalka Diyar Bakar ee dalkaasi si loo soo xero 14 macallin kaddib markii uu khilaaf ku aadan qabsashada wakhtiyeed ee garoonka uu dhax maray kooxda macallimiinta iyo koox uu watay garsooraha.

Wararka waxay intaa raacinayaan in macallimiinta ijaarteen garoonka laga billaabo 9-ka illaa 10-ka habeenimo iyadoo kooxda garsooraha qaadatay wakhtiga ah 10-ka illaa 11-ka habeenimo.

Muranka waxa uu yimid markii kooxda garsooraha yimaadeen garoonka sagaalka habeenimo oo ah kahor wakhtiga la balamiyay. Waxa uu garsooraha ku amray macallimiinta oo ay ciyaar u socotay inay garoonka ka baxaan.

Markii macallimiinta ka soo horjeesteen go’aanka garsooraha ayaa waxa uu booliisku siiyay amarka ah inay xeraan 14 macallin inkastoo mar danbe la sii daayay.

Dhacdadan waxay keentay doodo kulul iyadoo wasiirka cadaalada Turkiga Cabdi Xamiid Gol uu sheegay in baaritaan uu socdo islamarkaana laga qaadan doono tallaabada ugu habboon.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan