Himilo – Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan ayaa seegay ka qaybgalka Koobka Adduunka kadib markii laga hor istaagay inuu galo Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Mareykanka iyo FIFA.
Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadin Soomaali ah oo loo qorsheeyay inuu garsoore ka noqdo tartanka loo diiday gelitaanka dalka sababo la xiriira baaritaanno amni, inkastoo aan si rasmi ah magaciisa loo sheegin.
Dhinaca kale, FIFA ayaa xaqiijisay in Cumar Cartan uusan ka qayb geli doonin tababarrada iyo garsooridda Koobka Adduunka. FIFA waxay sheegtay inaysan ku lug lahayn arrimaha socdaalka, isla markaana maamulka Mareykanka uu ku wargeliyay in xaaladdiisa aan wax isbeddel ah lagu samayn doonin waqtigan.
Garsooraha, oo sanadkii hore loo doortay garsooraha ugu wanaagsan Afrika, ayaa la sheegay inuu haystay fiiso sax ah oo uu ku geli karo Mareykanka, inkastoo Soomaaliya ay ku jirto dalalka ay saaran yihiin xayiraadaha socdaalka ee Mareykanka.
Mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa cambaareeyay tallaabadaas, iyagoo sheegay inay dhaawacayso mabaadi’da caddaaladda, kartida iyo ruuxa ciyaaraha.
Qoraal uu soo saaray, Cumar ayaa uga mahadceliyay bahda kubadda cagta fariimaha taageerada ah ee ay u direen, wuxuuna u rajeeyay saaxiibbadiis guul tartanka. Waxa uu sheegay inuu weli niyad wanaagsan ku sugan yahay isla markaana uu diiradda saarayo mustaqbalkiisa garsoornimo.