Home / Habka-Nolosha / Gary Cahill ayaa qirtay in Chelsea lumin doonto Nemanja Matic xagaagan.

Gary Cahill ayaa qirtay in Chelsea lumin doonto Nemanja Matic xagaagan.

Muqdisho – Kabtanka kooxda Chelsea, Gary Cahill ayaa sheegay in kooxdiisu ay ka maaranto ciyaaryahanka Manchester United ku biiray ee Nemanja Matic.

Serbian-kan heerka caalami ayaa ku biiray kooxda Manchester United bishii lasoo dhaafay ee July markii £40 milyan uu ugu wareegay Masraxa-riyada.

Ciyaaryahanka raacashada ku wanaagsan ee Tiemoue Bakayoko ayay Chelsea ka soo qaadatay koxda AS Monaco waxaana laga garab ciyaarsiin doonaa N’Golo Kante, oo uu cidleeyay Matic.

Kabtanka dhawaan galka ah ee Cahill ayaana aaminsan in laga maarmo xiddigan jooga dheer.

“Matic waa ciyaaryahan fantastic ah, xaqiiqdii waa ciyaaryahan heer sare,” ayuu u sheegay Sky Sports.

Matic ayaa xalay kulankiisii ugu horreeyay ee tartan rasmi ah u saftay United-ka wuxuuna soo ban-dhigay kubad ay la dhaceen taageerayaasha.

Matic ayaa kahor tagi doona kooxdiisi hore ee Chelsea marka ugu horreysa ee United  u safreyso Stamford Bridge afarta bisha November.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan