Muqdisho – Ciyaaryahankii hore ee Manchester United, Gary Neville ayaa carrabaabay in kooxdiisii hore ay xoogan tahay isla markaana ay heysato saf ku filan xagaagan.
Macalinka kooxda Man Utd ayaa ol’olihii sanadkiisa koobaad ku hantiyay EFL Cup iyo Europa League,hayeeshee wuxuu kaalinta 6aad kaga dhameysaty horyaalka EPL-ka.
Red Devils waxa ay ku dhameysatay booska 6aad, laakiin waxaa u sahlay in ay timaado koobka horyaallada Yurub; hanashada koobka xiisaha leh ee Europa League 24 dhibcood ayayna ka hooseysay kooxda horyaalka ku guuleysatay ee Chelsea.
Manchester ayaa suuqa kala soo wareegtay xiddigaha kala ah Victor Lindelof, Romelu Lukaku iyo Nemanja Matic, Neville ayaana aaminsan in Mourinho uu xagaagan heysto koox xoogan.
Falanqeeyahan ayaa u sheegay Sky Sports News: “Manchester United waxay u muuqataa mid xoogan oo awood badan.”
Mourinho sanadkiisii koobaad waxa uu kooxda ku hoggaamiyay ku dhawaad 26 kulan oo aan laga badin in kasta oo naadiga uu ku dhamaystay kaalinta lixaad.
“Sidaas darteed waxaan u malaynayaa inay ku jiraan boos wanaagsan, kooxduna waxay u muuqataa mid xoogan, waxaana u maleynayaa in Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Lukaku ay u ciyaari karaan si wanaagsan,” ayuu yiri kabtankii hore ee Manchester Uinted.
Mourinho ayaa caddeeyay in uu isku dayi doono heshiiska laacibka kooxda Real Madrid, Gareth Bale waase haddii ay Real go’aansato in ay fasaxdo Welish-kan.
Qore: Abdiaziz Aadan Urur.