Gaza: In ka badan 159,000 oo carruur ah oo la siiye talaalka dabaysha.

Himilo-Ku dhawaad 159,000 oo carruur ah oo ku nool magaalada Gaza ayaa helay talaalka dabaysha. sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee marinka go’doonsan ee Falastiin.

Waxay intaas ku dartay in ay muwaadiniinta si aad ah uga qayb qaateen maalintii labaad ee ololaha talaalka ee ka socday Gaza.

Sida ay sheegeen kooxda caafimaadka ee kormeerata ololaha talaalka ee xarumaha ku yaalla Deir al Balah, waxay sheegeen dadka inay ka muuqdaan daal iyo nafaqo-xumo oo ay sababtay  duruufaha adag ee ay ku nool yihiin, iyagoo bishii 11 oo xariir ah Israel ay go’doon ku heysto.

Ololaha talaalka ayaa la da’dajiye kadib markii 25 sanno kadib magaalada lagu arkay kiisaskii ugu horeye ee dabaysha.

16 August, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ku baaqay xabbad joojin bini’aadantinimo oo toddoba maalmood ah si loo suurtageliyo in 640,000 oo carruur ah la talaalo, codsigan waxaa taageeray UNRWA.

Ololaha talaalka dabaysha ayaa socda iyadoo Israa’iil ay sii waddo weerarradeeda millatari ee Gaza, kuwaasoo sababay dhimashada in ka badan 40,700 oo Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca in ka badan 94,000 oo qof tan iyo 7-dii October ee sannadkii hore.

error: Copy lama Ogola Fadlan