Himilo – Maamulka Gaza ayaa Jimcihii sheegay in in ka badan 65,000 oo carruur ah ay si degdeg ah ugu jiraan halis dhimasho sababo la xiriira macaluul ba’an, taasoo ay sababtay go’doominta ay Israel ku hayso Marinka Gaza tan iyo bishii Maarso, taasoo qeyb ka ah ol’ole lagu laayo shacabka Falastiin, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.
Bayaanka oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa lagu eedeeyay Israel in ay si ula kac ah u adeegsaneyso gaajada sidii hub dagaal, iyadoo xirtay isgoysyada gargaarka ayna diiday in ay soo galaan in ka badan 39,000 oo gaari oo siday cunto, dawo iyo shidaal.
“Israel waxay si nidaamsan u hirgelinaysaa macaluul dad la’aan keeni karta, taasoo ka dhan ah 2.4 milyan oo qof,” ayaa lagu yiri bayaanka. Waxa kale oo lagu xusay in:
-
Foornadaheedu ay xirmanaayeen muddo 40 maalmood ah, taasoo sababtay in dadka reer Gaza aysan heli karin cunto aasaasi ah sida rootiga.
-
Go’doominta 70 maalmood jirsatay ay burburisay nidaamkii caafimaadka iyo gargaarka bani’aadamnimo ee gudaha Gaza.
Gaza ayaa la kulmaysa xaalad bani’aadamnimo oo ka sii dareysa, iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ay si kulul u cambaareeyeen qorshe cusub oo ay Israel ku sheegtay in ay ku doonayso in gargaar loo fidiyo shacabka, balse hay’adahaasi ay sheegeen in uu yahay qorshe aan bini’aadantinimo ku dhisnayn.
Tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, Israel ayaa fulisay weerarro baahsan oo ay ku dishay in ka badan 52,800 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo badankood ay yihiin haween iyo carruur, sida lagu sheegay tiro-koobyada dowladda Gaza.
Dhinaca kale, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa bishii November 2024 soo saartay amarar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii Gaashaandhigga Yoav Gallant, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Israel sidoo kale waxaa dacwad genocide ah kaga furan tahay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ).
Maamulka Gaza ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay in ay si degdeg ah u farageliyaan si loo joojiyo go’doominta, loo furo isgoysyada, isla markaana loo oggolaado in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo shacabka Gaza.