Olga Carmona, oo ah kabtanka Xulka Kubadda Cagta Gabdhaha Spain islamarkaana iyadu dhalisay goolkii ay Spain ku qaadday Koobkaas ayaa ogaatay in aabbaheed dhintay kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay.
Olga, ayaa daqiiqaddii 29aad ee ciyaarta dhalisay goolka ay kaga adkaadeen England si ay ugu guuleystaan Koobka kubadda Cagta Adduunka.
Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa tacsi u diray Olga Carmona, kaddib markii ay sheegeen in ay ka warheleen geerida Olga aabbaheed.
Olga,waxaa ay ka tirsantahay Kooxda haweenka ee Real Madrid, xulka Qaranka iyo Kooxduba waa ay uga tacsiyeeyeen warka naxdinta leh ee la xiriira geerida Aabbaheed.



