Himilo – Daafaca Barcelona Gerard Pique ayaa ku dhaleeceeyay Real Madrid bandhigii ugu xummaa kulankii El Clasico ee 2-0 looga adkaay kooxdiisa habeenkii Axadda.
Los Blancos ayaa mar kale qabatay hoggaanka horyaalka La Liga markii Vinicius Junior iyo Mariano Diaz soo taabteen shabaqa qeybta labaad ee cayaarta.
Si kasta, Pique ayaan la dhicin bandhigga kooxda marti-gelisay isaga oo tilmaamay inay ahayd cayaartii ugu xummeyd ee Real Madrid ee garoonka Bernabeu.
“Waxa uu ahaa mid kamid ah bandhigyada ugu xummaa ee Real Madrid ee aan kula kulmo Santiago Bernabeu qeybta hore ee cayaarta,” Dail Mail ayaa ka soo xigatay Pique.
Waxa uu intaa hadalkiisa ku daray “Waan maamulnay cayaarta qeybta hore, qeybta labaad, cadaadis ayay na soo saareen iyaga oo goolka hore nooga dhaliyay si niyad jab leh.”