Home / Habka-Nolosha / Gerrard: “Liverpool waa inay la saxiixataa laacibka Aubameyang.”

Gerrard: “Liverpool waa inay la saxiixataa laacibka Aubameyang.”

Muqdisho – Steven Gerrard ayaa rumeysan in Liverpool ay la saxiixato laacibka kooxda Borussia Dortmund, Pierre-Emerick Aubameyang.

Laacibka xulka Gabon ayaa ciyaarta Arbacadii tagtay ay la yeesheen Benfica wuxuu ka dhaliyay saddax gool oo sababtay in kooxdu usoo baxdo wareegga sideedda ee horyaalka Champion League.

Aubameyang ayaa lala xiriirinayay inuu ka dhaqaaqo naadigiisa Dortmund halkaas oo Real Madrid la tilmaamay inay tahay bartilmaanta koobaad ee doonaysa hanashadiisa. Hayeeshe Gerrard ayaa qaba in Aubameyang uu ku habboonaan lahaa gudaha gegida Anfield.

“Waa laacib ku habboon koox kasta oo weyn kaliya ma ahan Liverpool,” ayuu yiri Gerrard. “Waayo hanashadiisa waxaa ka sokeysa dagaal looga galo xaggiisa, dabcanna waxaa kugula jiraya loolankaas naadiyo caalami ah.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan