Home / Habka-Nolosha / Gerrard: “Waan u sheegay Rafa in Barry uusan beddeli karin Alonso.”

Gerrard: “Waan u sheegay Rafa in Barry uusan beddeli karin Alonso.”

Muqdisho – Steven Gerrard ayaa sheegay inuu kala hadlay macalinkii hore ee Liverpool saxiixa uu la yeeshay Gareth Barry.

Alonso ayaa ka tagay naadiga sanadkii 2009 marki uu u dhaqaaqay Real Madrid maadaama muddo shan sano ah uu joogay Liverpool, hayeeshe Gerrard  ayaa qaba in wax badan la sameyn lahaa si loo ilaaliyo joogitaanka laacibkan kaas oo ku howl-gabay naadiga Bayern Munich.

Wuxuu ahaa xiddig garab buuxiye iyo dhamaysba u ah Gerrard. Waxaase saxiixa Barry oo laga soo wareegay Aston Villa lagu sifeeyey beddelka macquulka ah ee laacicka reer Spain.

“Wuxuu rabay inuu diro Alonso booskiina ku buuxiyo Barry,” Gerrard ayaa u sheegay BT Sport. “Aniga ahaan taasi ilama ahayn mid sax ah, in kasta oo aan taageero u ahay Gareth Barry.”

“Taas beddelkeeda waan isku heysan lahaa iskana garab ciyaarsiin lahaa, waayo waxaan aaminsanahay inay wada shaqeyn kareen.”

Alberto Aquilani ayaa ugu danbeyn loogu yeeray buuxinta booska Alonso. Barry ayaa markaas la sii dhacsanaa Manchester City kahor inta uusan in yar ku bixin Everton. Hadda wuxuu la joogaa West Ham United.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan