Home / Dhaqaale / Giriiga: Afar meelood meel da’yarta kuma jiraan waxbarasho ama shaqo

Giriiga: Afar meelood meel da’yarta kuma jiraan waxbarasho ama shaqo

Himilo – Xog cusub oo ka soo baxday xafiiska Yurub ee tirakoobyada ayaa muujisay in halkii qof ee kamid ah 4 dhallinyaro ee dalka Giriiga ee da’dooda tahay 20-34 sanno inaysan ku jirin waxbarasho islamarkaana aysan shaqeyn.

Sida laga soo xigtay wargeyska Greek Reportage, Giriiga ayaa jooga booska labaad ee dalalka ururka Midowga Yurub iyadoo 26.8% da’yarta dalka aysan shaqeyn islamarkaana aysan ku jirin tababar ama waxbarasho sarre.

Talyaaniga ayaa sidoo kale heysta rikoor aan wanaagsaneyn marka laga hadlayo shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heerka waxbarashada iyadoo 28% da’yarta ay bannaanka ka joogaan suuqa.

Dalalka kale ee Yurub, 16.5% ayaa lagu qiyaasay heerka dhallinyarada aanan la siin door muuqda marka la eego shaqada ama waxbarashada.

Macluumaadkan ayaa abuuray argagax badan, waxaana qiil loo sameeyay Giriiga oo ka cabanayay dhaqaale xummo sannadihii ugu danbeeyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan