Muqdisho – Weeraryahanka Arsenal, Olivier Giroud ayaa qirtay inuu tix-gelinayo ka tegista kooxda haddii aan la siinin waqti badan oo uu ku ciyaaro xagaaga soo aadan.
Laacibka xulka Qaranka Faransiis ayaa kaliya 11 ciyaar u dheelay naadiga xagaagii tagay – in kasta oo 12 gool dhaliyay, wuxuu hadana dareensan yahay in macalin Wenger uu mudnaan hore ka siiyo xiddiga Alexis Sanchez.
Hadda Giroud, oo ka caawiyay Aaron Ramsey goolkii guusha oo ay ku hantiyeen koobka FA Cup-ka, ayay la tahay in waqtigani yahay midkii uu ku qiimeyn lahaa mustaqbalkiisa.
“Waxaan la hadli doonaa macalinka,” ayuu Giroud u sheegay The Times.
“Waxaan xadiday xilliyadayda ciyaaraha xagaagii dhamaaday, mise ahan mid aan ku niyadsamahay xagaag xiga inaan kusii dheelo.”
“Aad bay lama huraan iigu tahay inaan arrintayda kala fariisto qoyskeeda iyo la taliyaasha.”
Si kastaba, laacibka 30-jirka ayaa sheegay inuu wali doonayo kula guuleysiga naadiga waxyaabo badan.
“Hadda waxaan jooga Arsenal saddex sano, mustaqbalkayguna wuxuu la jiifaa iyada,” ayuu yiri.
“Waxaan dareemayaa wacnaan, waxaana rabaa inaan ku guuleysanno horyaalnimada England.”
“In taas kadibse, ma ogi waxa mustaqbalkayga dhow uu noqon doono.”