Home / Habka-Nolosha / Giroud oo kooxdiisa ka badbaadiyay guul-darro.

Giroud oo kooxdiisa ka badbaadiyay guul-darro.

Muqdisho – Olivier Giroud ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay guul-darro kadib markii uu barbar-dhig 1-1 ka dhigay kulan ay la yeesheen naadiga Southampton kulan katirsanaa horyaalka EPL.

Charlie Austin ayaa gool uu hareer-dhaafay daafaca Per Mertesacker ku hubsaday shabaqa Arsenal. Wuxuuse kahor joogsaday inuu fursad kale oo gool loo filan karo la dhinac maro.

Weeraryahanka Giroud oo bedel kusoo galay ciyaarta ayaa nafta kusoo celiyay kooxda markii uu goolka barbara ah u dhaliyay daqiiqadii 88aad.

Dhibicdan ayaa kaga dhigan inay booska shanaad kula xigsato Liverpool – hal dhibicna ay ka saramarto naadiga Tottenham.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan