Home / Habka-Nolosha / Giroud, Zouma & Aubameyang oo qeyb ka ah caawinta goolhayaha Chainat Hornbill

Giroud, Zouma & Aubameyang oo qeyb ka ah caawinta goolhayaha Chainat Hornbill

Muqdisho – Kubadda cagta dunida ayaa u midoobay caawinta goolhayaha naadiga Chainat Hornbill, Nattapong Kajornmalee – halkaas oo xiddigo ay kamid yihiin Olivier Giroud, Kurt Zouma iyo Pierre-Emerick Aubameyang ay gurmad u fidinayaan 23-jirkan.

Laacibkan sida xun ugu dhaawacmay shil gaari, wuxuu taniyo 30-ka bishii April ku jiray isbitaalka.

Dadaal lagu doonayo inuu kusoo bogsado ayaa la bilaabay, hayeeshe xiddigo badan oo caan ah ayaa kamid noqday deeq ururiyaasha iyo kuwo kaalinta ugu weyn ka qaadanaya samafalka.

Giroud, Aubameyang, Zouma iyo laacibka horyaalka PL sanadkan,  N’Golo Kante ayaa dhamaantood u rajeeyey xiddigan bogsimaad.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan