Home / Macluumaad / Gobalka Baltimore oo aqoonsanaya fasaxyada Ciidaha Muslimiinta

Gobalka Baltimore oo aqoonsanaya fasaxyada Ciidaha Muslimiinta

Himilo- Siinta ardayda Muslimiinta ah fursadda ay ugu dabaal-degi karaan fasaxyada Ciidaha, Guddiga Wax-barashada Gobalka Baltimore, dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in hadda kaddib ubadka Muslimiinta ah ee dhigta dugsiyada dowladda la siin doono fasax ciideed.

“Kaddib juhdi dheer oo odayaasha Muslimiinta Baltimore ku bixiyeen inay helaan xaq lamid ah kuwa carruurta kale, tani waa natiijo muddo aan sugeynay,” Zainab Choudry, oo kamid ah Guddiga Muslimiinta Maraykanka ee CAIR aya u sheegtay saxaafadda.

“Waxay tallaabadani diraysaa farriin ah in carruurta Muslimiinta ay xaq la siman inta kale helayaan; baaqoodiina ugu danbeyntii laga aqbalay.”

Tallaabadani ayaa ku timid kaddib ol’ole qaatay 30 sanno ka badan kaas oo lagu dalbanayay in fasaxyada ciidaha Muslimka la aqoonsado.

Tiro badan oo dugsiyada Maraykanka kamid ah ayaa hadda labada ciidood ee Muslimiinta u aqoonsanaya maalmo fasax.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan