Home / Cayaaro / Gool hayaha labaad ee Arsenal oo uu murad kataagan yahay mustaqbalkiisa.

Gool hayaha labaad ee Arsenal oo uu murad kataagan yahay mustaqbalkiisa.

Himilo – Aaron Ramsdale ayaa jawaab ka bixiyay warar la qoray oo sheegaya inuu xagaagan ka tagayo kooxda Arsenal.

Ramsdale ayaa ciyaaray kaliya lix kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan isagoo dheelay kulan walba oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Tababare Mikel Arteta ayaa ku bedelay David Raya oo amaah uga soo biiray kooxda Brentford xagaagii la soo dhaafay.

Raya ayaa ciyaaray 31 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan isagoo shabaqa ilaashaday 16 kulan taasoo ka dhigeysa inuu ku guuleystay abaalmarinta goolhayaha ugu fiican Premier League.

Wargeyska Ingariiska ee The Telegraph ayaa qortay in Newcastle United ay 15 milyan ginni ku iibsaneyso 26 jirka Aaron Ramsdale iyagoo sheegay in loo soo bandhigay qandaraas shan sannadood ah.

Laakiin Ramsdale ayaa sheegay inaan loo sheegin weli inuu ku biirayo Newcastle oo war cusub ay ku tahay isaga,

Ramsdale ayaa soo qoray: “Warar cusub ayay igu tahay aniga” wuxuuna soo raaciyay emoji qosol ah.

Bishii Maarso tababare Mikel Arteta ayaa sheegay in mustaqbalka goolhayaha Ingariiska in laga wada hadli doono ka dib marka uu soo dhamaado xilli ciyaareedkan.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan