Home / Cayaaro / Goolhaye Man City oo si ammaah ah ugu biiray Nottingham Forest

Goolhaye Man City oo si ammaah ah ugu biiray Nottingham Forest

Himilo -Nottingham Forest ayaa heshiis ammaah ah kula  wareegtay goolhayaha Manchester City Arijanet Muric.

Ciyaaryahanka qaranka Kosovo oo 20 sanno jir ah, ayaa shan kulan u saftay City Carabao  Cup-ka xilli ciyaareedkii hore, waxa uu noqonayaa  saxiixii shanaad ee xagaaga  Forest.

“Nottingham Forest waxay ku farraxsan tahay inay ku dhawaaqdo goolhaye Arijanet Muric xilli ciyaareed ammaah ah in uu kaga yimid Manchester City,” ayaa lagu qoray  bogga rasmiga ah ee kooxda.

Muric oo ku dhashay Swiss-ka ayaa u soo ciyaaray kooxaha  FC Zurich iyo Grasshoppers ka hor inta uusan ku biirin City 2015.

Waxa uu u saftay shan kulan Kosovo, waxaana la filayaa in lagu  soo daro ciyaartoyda Euro 2020 ee wajahaya qaranka England Bisha September.

Xiddigan Muric ayaa lagu xasuustaa kulankii uu labada Rigoore ka qabtay Leicester City Ciyaartii Carabao Cup ee quarter-final bishii December.

Goolhayahan  ayaa sidoo kale qandaraas cusub oo seddex sanno ah u saxiixay City kaas oo ku eg  illaa 2024-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan